Sonko oo ka horyimid qorshe lagu doonayo in lagu xiro Saldhigga Booliiska Capitol Hill

0
108

Barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko ayaa maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonayo in lagu joojiyo qorshe lagu doonayo in si rasmi ah looga saaro liiska hay’adaha dowladda Saldhigga Booliiska ee Capitol Hill, isagoo sheegay in tallaabadaas ay halis gelin karto amniga deegaanka Upper Hill.
Sonko ayaa sheegay in isaga oo ah qof ka tirsan dadka deggan deegaanka Upper Hill uu qareennadiisa faray inay si degdeg ah uga gudbiyaan maxkamadda dacwad ka dhan ah qorshahaas. Waxaa ku adkeystay in saldhiggaas uu door muhiim ah ka ciyaaro sugidda amniga mid ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan magaalada Nairobi.
Waxaa uu xusay in Upper Hill ay tahay xaruun ay ku yaallaan hay’ado muhiim ah sida maxkamado, isbitaallo, xafiisyo dowladeed, shirkado waaweyn iyo safaarado, sidaas darteedna aan la dhimi karin joogitaanka amniga ee halkaas.
Qorshaha lagu doonayo in lagu xiro saldhigga ayaa ka mid ah dib u habeyn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha sheegtay inay ku hagaajinayso hufnaanta adeegyada booliiska ee magaalada Nairobi. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sidoo kale ka soo horjeesteen.