Dab ka kacay gudaha xaafadda Uthiru

0
107

Khasaaro hantiyeed oo aan la cayimin ayaa la sheegay in uu dhacay subaxnimadii hore ee saaka ka dib markii dab xooggan uu ka kacay gudaha xaafadda Uthiru ee ismaamulka Nairobi. Dabka ayaa si gaar ah uga kacay bakhaar lagu iibiyo cabitaannada khamriga oo ku yaalla gudaha xaafaddaas.
Dabkan oo bilowday waaberigii hore ayaa si lama filaan ah ugu faafay goobta, iyadoo qiiq weyn uu cirka isku shareeray. Dadka deegaanka ayaa ku dadaalay inay xakameeyaan ololka, maadaama uu halis ku ahaa inuu ku faafo dhismayaasha ku dhow. Adeegga dab damiska ayaa markii dambe gaaray goobta si loo xakameeyo dabka.
Ilaa hadda lama xaqiijin sababta keentay dabka, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo la soo sheegay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabka uu billowday aroortii hore, xilli ay dadka deegaanka qaarkood hurdayeen halka kuwa kalena ay u diyaargaroobayeen shaqo.
Dabka ayaa si degdeg ah u fiday ka dib markii uu gaaray meel lagu kaydiyo cabitaanno si fudud u holca, taasoo sii dedejisay faafitaanka ololka. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay kordhayaan dababka ka kaca xaafadaha magaalada Nairobi, gaar ahaan waaberiga ama fiidkii.