Qalalaase ka dhacay Kitale ka dib markii kooxo hubeysan ay carqaladeeyeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Niko Kadi

0
85

Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Niko Kadi oo ka socday magaalada Kitale ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay ka dib markii kooxo burcad ah ay faragelin ku sameeyeen howshaas.
Kooxahan oo la sheegay inay watteen hub fudud ayaa la wareegay goobta ay isugu yimaadeen boqollaal dhallinyaro ah, iyagoo carqaladeeyay nidaamkii diiwaangelinta. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe ayaa lagu khasbay inay ka baxaan goobta.
Hoggaamiyeyaasha ololaha Niko Kadi ayaa eedda dusha ka saaray siyaasiyiin ay sheegeen inay adeegsanayaan dhallinyaro si ay u abuuraan qalalaase, iyagoo ka digay in arrintaas ay noqotay dhibaato sii kordheysa oo saameynaysa dadaallada lagu dhiirrigelinayo ka qaybgalka siyaasadda.
Sida uu sheegay Allans Ademba oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ololaha, kulankii Kitale ayaa soo jiitay tiradii ugu badnayd ee abid ka soo qeybgasha. Waxaa uu sheegay in inkastoo ay jireen carqalado, haddana ujeeddada ololaha ee dhiirrigelinta dhallinyarada inay iska diiwaangeliyaan codeynta ay guul gaartay.
Dhanka kale, Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa sheegay in in ka badan 875,000 oo codbixiyeyaal cusub la diiwaangeliyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, iyadoo Nairobi ay hoggaaminayso tirada cusub. Guddiga ayaa sidoo kale qorsheynaya diiwaangelin ka dhacda bartamaha magaalada Nairobi, halka ololaha Niko Kadi uu isna sii wado dadaalladiisa dalka oo dhan.