EPRA oo shaacisay qiimaha cusub ee shidaalka ee April iyo May

0
50

Hay’adda Nidaaminta Tamarta iyo Shidaalka ee (EPRA) ayaa kordhisay qiimaha shidaalka ee muddada April illaa May ee sanadkan, iyadoo soo afjartay sugitaan socday toddobaadyo.
Warbixintii ugu dambeysay ee ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in qiimaha ugu sarreeya ee la oggol yahay ee shidaalka Baasiinka iyo Naaftada lagu kordhiyay 28.69 iyo 40.30 halkii litir, halka qiimaha Shidaalka Guryaha ama gaaska uusan isbeddelin.
Ka dib isbeddelkan, qiimaha cusub ee tafaariiqda ayaa noqonaya 206.97 ee shidaalka baasiinka, Naafatada oo lagu iibin doono 206.84 shillin iyo 152.78 ee gaaska, kuwaas oo dhaqan gelay saqdii dhexe ee xalay, kuna jiri doona muddo 30 maalmood ah, laga bilaabo 15-ka April oo maanta ah ilaa 14-ka May 2026-ka.
EPRA ayaa sidoo kale sheegtay in canshuurta qiimaha lagu daro (VAT) laga dhimay boqolkiiba 16 ilaa 13 boqolkiiba si loo yareeyo culayska ka dhashay kororka qiimaha caalamiga ah. Dowladda ayaa dhankeeda ku taageeraysa macaamiisha sanduuqa Kharashka Horumarinta Shidaalka (PDL), iyadoo adeegsanaysa ku dhowaad 6.2 bilyan oo shillinka dalka ah si loo xasiliyo qiimaha shidaalka.