Ugu yaraan 4,000 oo qoysas ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen daadadka saameeyay qaar ka mid ah ismaamullada wadanka ee ka dhashay roobabka culus ee da’aya.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in ku dhawaad 20,000 oo qoys ay saameyn soo gaartay.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha laga dareemaya 16 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Tirada barakacayaasha ayay ku sheegtay 4,639 oo qoys halka 17,445 ay daadadku saameeyeen.




