Ruushka oo xoojinaya weerarrada Ukraine

0
274

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in ay sare u qaadi doonaan duqeymaha ay ka wadaan gudaha Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii Sabtidii la soo dhaafay weerar ka dhacay magaalada Belgorod ee Ruushka lagu dilay ugu yaraan 25 qof halka in ka badan 100 kalena lagu dhaawacay.
Ruushka ayaa weerarkan ku eedeyay dowladda Ukraine oo uu dalkeeda weli ku hayo duullaan militari.