Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in dib loo soo celiyay 198 neef oo geel ah oo ka mid ahaa 338 neef oo laga dhacay ismaamulka Isiolo.
Waxaa howlgalkan iska kaashaday ciidamada qaabilsan la tacaalidda dhaca xoolaha ee ASTU iyo booliiska qaran ee keydka ee NPR.
Geela ayaa la dhacay 28-kii bishii hore xilli koox looga shakiyay burcadnimo ay weerar ka gaysatay aagagga Biliko iyo mchanga nyekundu ee ismaamulka Isiolo.
Waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay sarkaal ka mid ah booliiska keydka iyo hal qof oo xoolo dhaqato ah.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Isiolo si loo daaweeyo halka dhaawaca askariga loo sii qaaday isbitaalka Kirima ee ismaamulka Meru.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa intaasi ku daray inay socdaan dadaallo dib loogu soo celinaya neefafka kale ee geela ee weli aan la soo helin.
https://x.com/NPSOfficial_KE/status/1741558021749174655?s=20




