Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa ansixisay in kiis ku aaddan dil lagu soo oogo askari lagu magacaabo Klinzy Barasa Masinde oo 32 sano jir ah.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda sare ee Milimani ee magaalada Nairobi Kanyi Kimondo .
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu 17-kii bishii Lixaad ee sanadkan uu toogtay Boniface Kariuki oo xilligaasi iibinayay maaskaro mise af-xir.
Toogashada oo uu markii dambe u geeriyooday Boniface ayaa ka dhacday afaafka daarta Imenti House ee bartamaha magaalada Nairobi.
Waxaa xilligaasi socday dibadbax ay dhallinyarada uga soo horjeedeen dilkii loo gaystay Albert Ojwang.
Garsoore Kimondo ayaa amray in eedeysanaha lagu sii hayo xabsiga oo lagu sameeyo baaritaan maskaxeed ka hor inta aan lagu qaadin dacwadda dilka.
Wuxuu qorshuhu yahay in tuhmanaha uu 28-ka bishan maxkamadda ka soo hormuuqdo si uu racfaan u qaato.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in la siidaayo eedeysane labaad oo lala xiriirinayay dilka Boniface oo lagu magacaabo Duncan Kiprono oo isna askari ah ka dib markii aan la soo bandhigin caddeymo dhameystiran oo loo cuskan karo inuu ka qayb qaatay toogashada.




