Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in la xoojiyey amniga degmada Tseikuru oo ka tirsan ismaamulka Kitui ka dib markii halkaasi lagu dilay ilaa Toddobo qof.
NPS ayaa qoraalka ku cambaareysay weerarkaasi oo ay ku tilmaantay mid aargoosi ah.
Bayaanka waxaa ku xusan in aan loo baahnayn keliya cambaareynta falkaasi balse in gebi ahaanba la joojiyo dhacdooyinka noocani ah.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja oo xaqiijiyey in weerarka 25-kii bishan ka dhacay aagga Kwa Kamari ay ku dhinteen 7 ruux ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay degganaan.
NPS ayaa laga soo xigtay in Kanja uu aaggaasi u diray koox amni oo sare oo uu hoggaaminaya ku xigeenkiisa Eliud Lagat.
Sidoo kale , waxaa bayaanka lagu sheegay in dhammaan weerarrada lagu sameyn doono baaritaanno dhameystiran.
NPS ayaa dhanka kale caddeysay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xakameeyo shaqaaqada waxayna hoggaamiyaasha bulshada ugu baaqday in ay faafiyaan farriimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta iyadoo dhanka kale lala xisaabtamaya cidii falkaasi ka dambeysay.




