Maxkamad ku taalla magaalada Kwale ayaa nin 35 jir ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu xaaskiisa baangad ku dhaawacay, muran ka dhashay yarad awgiis.
Ninkan oo lagu magacaabo Leli Ngao ayaa xaaskiisa, Milongo Piru, ku weeraray tuulada Nyango ee deegaanka Kinango, 28-kii bishii April ee sanadkii 2024, kadib markii ay kasoo baxeen kaniisad.
Maxkamadda ayaa dhageysatay in ninka uu xaaskiisa daba galay xilli ay biyo kasoo doonaysay guri ku yaalla meel ka soo horjeedda kaniisadda, isagoo watay ilmahooda oo 19 bilood jir ah.
Intii ay wada hadlayeen ayuu u sheegay inuusan awoodin bixinta yaradkii looga baahnaa inuu dib ugu soo celiyo guriga, isla markaana uu doorbidayo inuu dilo.
Kadib ayuu soo bixiyay baangad uu dhexda ku qarsaday, wuxuuna laba jeer kaga dhuftay gacanta bidix, iyadoo haweeneydu ku qaylinaysay gargaar.
Xilli ay isku dayaysay inay baxsato ayay dhulka ku ridday ilmaha, waxaana dhaawacyo kale kasoo gaareen gacanta midig iyo madaxa.
Ninka ayaa goobta ka baxsaday, halka xaaskiisa oo dhaawac culus qabta ay hooyadeed iyo dad kale u soo gurmadeen, kadibna loo qaaday isbitaalka, halkaas oo ay muddo laba toddobaad ah ku jirtay.
Leli Ngao ayaa dib u soo muuqday 18-kii Janaayo 2025, balse booliska ayaa ka badbaadiyay dad careysan oo doonayay inay waxyeelleeyaan, waxaana lagu wareejiyay saldhigga booliska ee Kilubasi.
Garsoore Joy Mutimba ayaa sheegtay in xeer-ilaalintu ay maxkamadda horkeentay shan markhaati oo caddeymo lagu kalsoonaan karo bixiyay, kuwaas oo xaqiijiyay dambiga dhaawaca culus.
Garsooruhu wuxuu xukunka ku saleeyay culayska dhaawacyada, adeegsiga hub halis ah iyo in dhibbanuhu ahayd xaaska eedeysanaha, isagoo xusay in ciqaabtu ay fariin adag u tahay dadka ku kaca tacaddiyada qoyska.




