Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya ayaa sheegay inay sii ahaan doonaan kuwo midaysan, isla markaana ay ku kalsoon yihiin inay Madaxweyne William Ruto iyo xukuumaddiisa Kenya Kwanza xukunka ka tuuri doonaan.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu taageero qof kasta oo loo doorto musharraxa madaxweyne ee isbahaysiga mucaaradka, haddii uu ku guuleysan karo inuu Ruto xukunka ka qaado.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa hadalkan ka sheegay deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri, xilli ay ka qeybgalayeen aaska Eunice Nyangari Gachagua, oo ahayd walaasha hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua.
Waxay sidoo kale meesha ka saareen natiijooyinka sahannadii ra’yi ururinta ee dhowaan la shaaciyay, iyaga oo dowladda ku eedeeyay inay maalgeliso sahanno loogu talagalay in lagu saameeyo aragtida dadweynaha.
Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen in mucaaradku haystaan fursad naadir ah oo ay ku beddeli karaan hoggaanka siyaasadeed ee dalka, balse taasi ay suurtagal noqon karto oo keliya haddii ay midoobaan oo ay taageeraan hal musharrax oo madaxweyne.
Baaqan ku saabsan midnimada ayaa u muuqday mid uu Kalonzo Musyoka si weyn u soo dhaweeyay. Waxa uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo hammigiisa madaxtinnimo, isla markaana taageero musharrax kale haddii taasi noqoto go’aanka wadajirka ah ee isbahaysiga.
Hoggamiyaha Dhaqdhaqaaqa Linda Mwanchi Edwin Sifuna ayaa sheegay inay mid ahaan doonaan.
Hoggaamiyaha xisbiga United Green Movement, David Maraga, ayaa isaguna ku baaqay in mucaaradku midoobo, isaga oo Rigathi Gachagua ku boorriyay inuu ka faa’iideysto fursadda uu ku mideyn karo dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa dhankiisa si kulul u dhaliilay Madaxweyne William Ruto, isaga oo natiijooyinka sahannadii ra’yi ururinta ee dhowaan la shaaciyay ku tilmaamay kuwo ay dowladdu maalgelisay, si loogu marin habaabiyo taageerayaasha madaxweynaha.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga PPK, Ndindi Nyoro, iyo hoggaamiyaha xisbiga Jubilee, Dr. Fred Matiang’i, ayaa ka qeybgalay munaasabado kala duwan oo ka dhacay deegaanka Ruai iyo Magena, oo ku yaalla ismaamulka Kisii, halkaas oo ay ku dhaliileen hoggaaminta Madaxweyne Ruto.
Su’aasha ugu weyn ayaa ah in hoggaamiyeyaashan mucaaradku ay hadalladooda ku saabsan midnimada u beddeli karaan tallaabo dhab ah oo ay ku soo saaraan hal musharrax oo mideysan oo u tartama madaxtinnimada dalka doorashada 2027.




