DHAGEYSO:Kalonzo oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Tseikuru

0
59

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dowladda ka dalbaday in ay jawaab ka bixiso weerar burcadnimo oo ka dhacay Tseikuru oo ka tirsan deegaanka Waqooyiga Mwingi ee ismaamulka Kitui halkaasi oo 7 qof lagu dilay.
Waxaa uu maanta bayaan ku sheegay in burcad ka kooban ilaa 40 qof oo aad u hubeysan ay weerareen Kwa Kamari Trading Centre abbaare 2-dii duhurnimo ee shalay oo ayna rasaas ku fureen dad shacab ah.
Kalonzo ayaa xusay in halkaasi lagu dilay 6 rag iyo haweeney iyadoo qof kale laga daaweynaya dhaawacyo soo gaaray.
Waxaa uu dalbaday in baaritaan dhameystiran lagu sameeyo falkaasi oo maxkamadda la geeyo cidii ka dambeysay.
Sidoo kale waxaa uu dalbaday in si degdeg ah ay dowladdu gacanta ugu dhigto hubka sharci darrada ah ismaamulka Kitui iyo guud ahaan gobolkaasi.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo weerarkaasi cambaareynaya ayaa yiri.

Weerarka ayaa sidoo kale sababay in guryo la gubo, iyadoo qoysas badan ay hooy la’aan noqdeen.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in dhacdadan ay la xiriiri karto falal aargudasho ah, halka dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan weerarro kale.