Nin 31 sano jir ah ayaa lagu xiray Saldhigga Booliiska ee Aram ka dib markii lagu eedeeyay inuu tuulada Ojelo ee deegaanka Rarienda ku dilay wiil uu adeer u ahaa oo 6 jir ahaa.
Denis Ouma Nyahinda ayaa la sheegay inuu madaxa iyo qoorta ka gooyay Tyron Onyango isagoo adeegsanaya seef.
Sida laga soo xigtay Guddoomiye xaafadeedka Waaxda Galbeedka Asembo, Wycliffe Odiango canuga geeriyooday oo booqday ayeeydiis xilligan fasaxa, ayaa la sheegay inuu la ciyaarayay carruur kale markii tuhmanaha uu weydiistay inay joojiyaan buuqa.
Waxaa uu intaa ku daray in carruurta ay sii wadeen dheeshooda ka dib amarkii Ouma.
Eedeeysanaha ayaa wilka yar ku dilay seef ka dib markii uu u hoggaansami waayay ammarradiisa.
Odiango ayaa sheegay in saraakiisha amniga oo goobta gaaray ay meydka wilka yar geeyeen isbitaalka maamul hoosaadka Bondo si loogu sameeyo baaritaanka dhimashada kadib.
Isagoo xaqiijinaya dhacdada, ayuu Odiango sheegay in tuhmanaha la xiray oo loo qaaday saldhigga booliiska ee Aram, halkaas oo weli lagu hayo iyadoo baaritaannada arrintan ay socdaan.
Waxaa uu sidoo kale kula taliyay dadweynaha inay helaan siyaabo ay ku qaboojiyaan caradooda si ay uga fogaadaan khasaaraha aan loo baahnayn ee nolosha.




