Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay xero qaxooti oo ay deggan yihiin Falastiiniyiin ku nool Koonfurta Lubnaan, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan.
Weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa Talaadadii ku dhacay gaari horyaalay masaajid ku yaal xerada qaxootiga ee Ein el-Hilweh oo ku taal duleedka magaalada xeebta ah ee Sidon, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee dowladda Lubnaan.
Wasaaraddu ayaa waxaa ay sheegtay in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay duqeysay xubno ka tirsan kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas kuwaas oo ka howlgalayay xarun tababar oo ku taal xerada qaxootiga.
Xamaas ayaa iska fogeeysay eedaha Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay kuwo “been abuur” ah waxaa ayna ku nuuxnuuxsatay in kooxda aysan lahayn xarumo tababar oo ku yaal xeryaha qaxootiga ee Lubnaan.
Horraantii Talaadada, Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada Israa’iil ay ku qaadday baabuur kale oo ku sugnaa Koonfurta dalka ay ku dhinteen laba qof.




