Muturi oo IEBC ku dhaleeceyay howlgelinta saraakiisha booliiska ee dharka cad

0
387

Hoggaamiyaha xisbiga Democratic Party Justin Muturi ayaa dhaleeceeyay go’aanka IEBC ee ah in la geeyo saraakiil booliis ah oo dhar cad ah goobaha codbixinta inta lagu jiray doorashooyinka ku celiska ah ee 27-ka bishan November.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii oo ka dhacay deegaanka Waqooyiga Mbeere, Muturi ayaa ku andacooday in saraakiisha aan xirnayn labiska rasmiga ah ee booliiska ay noqon doonaan dad ay dowladda maalgeliso oo sidii la rabo loo adeegsado.
Muturi ayaa ugu baaqay guddoomiyaha IEBC, Erastus Edung Ethekon inuu faro Taliyaha Guud ee Booliiska in la hubiyo in dhammaan saraakiisha la geeynaayo goobaha codbixinta ay ku labisan yihiin dareeska rasmiga ah ee booliiska.
IEBC ayaa ku dhawaaqday 25-kii bishan inay geyn doonto saraakiil booliis ah oo kuwa labisan iyo kuwo aan labisanayn isugu jira goobaha ay ka dhici doonto doorashada ku celiska ah.