Ruushka iyo Ukraine oo is weedaarsaday weeraro dhanka cirka ah

0
363

Ugu yaraan 18 qof oo u dhasahy Ukraine ayaa ku dhaawacmay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ka geysteen aagga Zaporizhzhia iyadoo tobanaan kun oo askari oo soo duulay ay sii wadaan duullaankooda gobolka koonfur-bari.
Ukraine ayaa sheegtay inay taageersan tahay “nuxurka” qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka uu la galay Ruushka, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in “horumar la sameynayo” isla markaana uu u diray ergeyga gaarka ah Steve Witkoff Ruushka si uu wadahadal ula yeesho Madaxweyne Vladimir Putin.
Siyaasiyiinta iyo warbaahinta Yurub ayaa isku dayaya inay wiiqaan dadaallada Mareykanka ee lagu doonayo in lagu helo heshiis nabadeed oo loogu talagalay Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.
Hay’adaha Difaaca cirka ee Ruushka ayaa qabtay 33 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ukraine intii lagu jiray weerarradii ka dhacay gobollada Belgorod, Voronezh, Lipetsk iyo Bryansk, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca.