Moses Kuria oo sheegay inuu ku howlan yahay buug uu qoraya

0
249

Wasiirkii hore ee wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen uga warramay waxyaabaha uu qabanaya ka dib markii laga qaaday xilkii uu hayay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ku mashquulsan yahay arrimo shakhsiyeed oo ay ka mid tahay inuu qoraya buug uu soo billaabay bishii Koowaad ee sanadkan.
Kuria ayaa xusay inuu rajeynaya in buuggan uu dhameystiro bisha 12-aad ee sanadkan.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in lagu casuumay madal dhowr ah oo uu uga hadlaya arrimaha caalamka.
Moses Kuria ayaa dhanka kale tilmaamay in ay yaraadeen wicitaannadii dhanka taleefoonka ee soo gaari jiray xilligii uu wasiirka ahaa.
Waxaa uu si kaftan ah u sheegay in xita uu labo mar damcay inuu taleefoonkiisa gacanta u geeyo farsamo yaqaan isagoo ka shakisan inuu cilladeysan yahay.
Moses Kuria ayaa dhanka kale tilmaamay inuu lahaa fikraddii uu madaxweynaha dalka William Ruto golihiisa wasiirrada uu ugu soo daray afar ka mid ah xubnaha xisbiga mucaaradka ee ODM.
Siyaasigan ayaa sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee la doonaya xita ka hor inta aynan dhallinyada jiilka dambe ee Gen Z aynan dibadbaxyada sameyn.
Moses Kuria ayaa xusay inuu xilli hore dareemay dhibaato dalka ku soo wajahnayd.
Waxaa uu intaasi ku daray in ku biiridda xubnaha mucaaradka ee ODM ee golaha wasiirrada uu kala tashaday Oburu Odinga, wasiirka maaliyadda John Mbadi iyo dhigiisa tamarta Opiyo Wandayi .
Wasiirkii hore ee adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa wasiirrada la dhaariyay kula taliyay in ay si degdeg ah u guda galaan u adeegidda shacabka.