DHEGEYSO:Kooxda “Panga Boys” oo dhibaato ku haysa dadka ku nool Kilifi

0
130

Ganacsatada ku suggan Kilifi ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran inay xoojiso ilaalinta goobahooda ganacsi, ka dib markii ay soo bateen kooxo burcad ah oo ka howlgala deegaanno kala duwan oo dalka ka mid ah. Kooxahan, oo si gaar ah loogu yaqaan “Panga Boys,” ayaa cabsi xooggan ku abuuray bulshada iyo ganacsatada.
Ganacsatada ayaa sheegay in ay ku khasban yihiin inay xiraan meheradahooda waqti hore, iyagoo ka baqaya weerarro ay ka geystaan kooxahan dhallinyarada ah. Waxaa ay tilmaameen in xaaladda ay si toos ah u saameysay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo amniga guud ee magaalada.
Iyagoo la hadlayay warbaahinta magaalada Kilifi, ganacsatada ayaa sheegeen in shaqo la’aanta baahsan ay tahay sabab muhiim ah oo dhallinyarada ku riixaysa falalka dambiyada. Waxaa ay xuseen in dhallinyaro badan oo aan haysan fursado nololeed ay si fudud ugu biiraan kooxaha burcadda ah.
Ugu dambeyn, ganacsatada ayaa ugu baaqeen dowladda inay abuurto fursado shaqo oo dheeraad ah, gaar ahaan kuwa dhallinyarada, si loo yareeyo ku biirista dambiyada loona soo celiyo xasilloonida iyo amniga deegaannada ganacsiga.