KWS oo beenisay in macdan laga helay seeraha qaran ee Tsavo

0
374

Waaxda adeegga duurjoogta ee dalka ee KWS ayaa beenisay in howlo macdan qodid ah ay ka socdaan seeraha qaran ee Tsavo East National Park .
Waxay KWS sheegtay in sawirro muujinaya in halkaasi macdan laga helay ay yihiin kuwo laga duubay mashruuca isku filnaanshaha cunnada ee Galana Kulalu ee ismaamulka Tana River.
Waaxdan ayaa dadweynaha ku boorrisay in ay warbixinnadan iska indha tiraan maadaama macluumaadkaasi aynan sax ahayn.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada ay ku wada xiriirto lagu faafiyay sawirro la sheegaya in ay yihiin macdan laga soo saaray seeraha Tsavo.