DHEGEYSO:Madaxweyne Ruto oo mashaaric horumarineed ka daah furi doono Kisii

0
131

Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta daahfuro mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo laga hirgelinayo deegaannada Bobasi, Nyaribari Chache iyo Nyaribari Masaba ee dowlad deegaanka Kisii, taas oo qayb ka ah maalintiisa saddexaad ee booqasho rasmi ah uu ku joogo deegaannada Gusii.
Mashaariicdan ayaa la sheegay inay diiradda saarayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo kor u qaadista fursadaha nololeed ee bulshada deegaanka. Booqashada madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inay xoojiso xiriirka dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta ismaamulka Kisii, iyadoo la dardargelinayo fulinta qorshayaasha horumarineed.
Inta uu ku sugan yahay Gusii, madaxweyne Ruto ayaa la kulmaya hoggaamiyeyaasha deegaanka, mas’uuliyiinta dowlad deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo falanqeeyo baahiyaha jira iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda mudnaanta leh.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaallo uu madaxweynuhu ku marayo qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo lagu qiimeynayo heerka ay marayaan mashaariicda dowladda, isla markaana lagu dhiirrigelinayo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.