Martha Karua oo Karatina ka jeedisay khudbad iyadoo ku baaqday hoggaan cusub oo dalka lagu hago

0
44

Hoggaamiyaha xisbiga PLP Martha Karua ayaa ku baaqday isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalka, iyadoo ka digtay in waddanka laga badalo dowladda hadda jirta iyada oo aan la keenin hoggaan dhab ah oo ka duwan kii hore. Waxaa ay sheegtay in Kenya ay u baahan tahay hoggaan adeeg oo isla xisaabtan ku dhisan.
Waxaa ay hadalkan ka sheegtay kulan ay kula hadlaysay taageerayaal ku sugnaa deegaanka Karatina ee ismaamulka Nyeri, halkaas oo ay uga mahadcelisay taageerada shacabka, isla markaana ku adkaysatay in mustaqbalka dalka uu ku xiranyahay doorashada hoggaamiyaal danta guud ka hormariya danaha siyaasadeed.
Karua ayaa tilmaamtay in Kenya aysan u baahnayn “isla fashilka oo waji kale wata,” iyada oo ku celcelisay baaqeeda ah in la keeno hoggaan cusub oo ku salaysan adeeg bulsho iyo mas’uuliyad qaran. Waxaa ay sidoo kale xustay in khibraddeeda hoggaamineed ay ku saleysan tahay shaqooyin la taaban karo oo ay hore u soo qabatay.
Hadalladeeda ayaa imanaya xilli dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu dalka ka socdo, iyadoo hoggaamiyeyaasha kala duwan ay kordhinayaan kulamada ay la leeyihiin shacabka kahor doorashada soo socota. Baaqa Karua ayaa sidoo kale qeyb ka ah cadaadis sii kordhaya oo mucaaradka ay ku riixayaan isbeddel iyo isla xisaabtan siyaasadeed.