Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in doorashada ku celiska ah ee deegaanka Ol Kalou ee ismaamulka Nyandarua la qaban doono 16-ka bishan July ee sanadkan. Doorashadan ayaa imanaysa ka dib markii kursiga xildhibaannimo uu bannaanaaday bilooyin ka hor.
Kursiga ayaa bannaan noqday ka dib geeridii xildhibaankii deegaanka, David Njuguna Kiaraho, oo geeriyooday 29-kii bishii Maarso. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Moses Wetang’ula, ayaa si rasmi ah u shaaciyay bannaanaanshaha kursiga, taas oo u oggolaatay IEBC inay bilaabaan diyaarinta doorashada.
IEBC ayaa sheegtay in doorashadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu buuxinayo kuraasta bannaan ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, iyadoo hore loo qorsheeyay doorashooyin kale oo ku celis ahaa oo ka dhacaya deegaanno kala duwan dalka. Doorashadan Ol Kalou ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn loo tartamo.
Waxaa durba muuqda in tartan adag uu ka dhex bilaaban doono xisbiyada waaweyn, gaar ahaan United Democratic Alliance iyo Democracy for Citizens Party. Labada dhinac ayaa hore u bilaabay diyaar garow iyo xulashada musharraxiinta, taas oo doorashadan ka dhigaysa mid si weyn loo eegayo heer qaran.




