DHAGEYSO:Shacabka Gaarisa oo ka cabanaaya waddo xumi ka jirta magaalada

0
80

Dadka ku nool xaafadaha Bula Mzuri, Baashal, Sambul iyo Kunaso ee magaalada Gaarisa ayaa walaac ka muujiyay burbur ku yimid waddooyinka isku xira xaafadahooda iyo bartamaha magaalada ka dib roobab culus oo dhawaan da’ay. Roobabka ayaa qaaday jidkii ugu weynaa ee aaggaas isku xiri jiray.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in burburka waddada uu si weyn u saameeyay isku socodka gaadiidka, dadka lugeynaya iyo ardayda dugsiyada u socda. Waxaa ay xuseen in xilliyada roobka ay mar walba waddooyinka noqdaan kuwo aan la mari karin, taasoo carqalad ku ah nolosha maalinlaha ah.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dhibaatooyinkaas ay saameeyaan helitaanka adeegyada muhiimka ah sida iskuullada, dugsiyada diinta iyo xaruumaha caafimaadka. Arrintan ayaa sii kordhisay cabashada bulshada deegaanka.
Hoggaamiyaha bulshada, Yuusuf Bile Salaat, ayaa ugu baaqay maamulka dowlad deegaanka Gaarisa iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso inay si degdeg ah u dayactiraan waddada ka hor inta aysan furmin dugsiyada xilli dugsiyeedka labaad ee sanadka. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale ka codsaday wakiillada la doortay inay si degdeg ah u soo farageliyaan xal u helidda caqabadaha kaabayaasha ee muddada dheer taagnaa.