Iran oo la filaya inay ka baaqato wadahadalada Marekanka

0
64

Iran ayaa laga yaabaa inay ka baaqato wadahadallada Mareykanka iyadoo xiisadda ka dhalatay qabsashada maraakiibteeda ay walaac dhalisay.
Iiraan ayaa ballan qaaday inay aargoosan doonto ka dib markii Mareykanku uu qabsaday markab xamuul ah oo calanka Iiraan saaran oo ku sugan marin biyoodka Hormuz.
Weerarkan ayaa yimid saacado ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu kooxdiisa u dirayo Islamabad si ay wadahadallo ula yeeshaan Iiraan. Laakiin ilo wareed Iiraani ah ayaa sheegaya in Tehran aysan ka soo muuqan doonin wadahadallada ilaa Mareykanka uu ka qaado xayiraadda.