Xisbullah oo sheegtay inay aqbashay labada isbuuc ee xabad joojinta

0
134

Kooxda Xisbullah ayaa aqbashay xabbad joojinta laba toddobaad ah, inkastoo Israa’iil ay weli waddo duqeymo ka socda koonfurta Lebanon, sida ay sheegeen ilo ku dhow kooxda.
Xabbad joojintan ayaa qayb ka ah heshiis ay wada gaareen Iiraan iyo Mareykanka, iyadoo Xisbullah ay joojisay weerarradii ay ku qaadi jirtay waqooyiga Israa’iil iyo ciidamada Israa’iil ee ku sugan gudaha Lubnaan saacadihii hore ee Arbacada.
Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ay ka geysanayso koonfurta Lubnaan, waxaa ayna soo saartay amar cusub oo barakac ah oo ku wajahan mid ka mid ah magaalooyinka koonfureed, iyadoo muujisay in weerarro cusub ay qorsheynayso.
Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hore u sheegay in xabbad joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka aysan quseyn doonin Lebanon, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo sii socoshada colaadda gobolka.