Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay Wasaaradda Difaaca Rwanda, kuna eedeeyay inay xiriir la leedahay M23

0
83

Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Wasaaradda Difaaca Rwanda iyo hay’adda Zigama Credit and Savings Society, isaga oo ku eedeeyay inay taageero siiyaan fallaagada M23 ee ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa tallaabadan ku dhawaaqday 28-kii Oktoobar 2026, iyadoo sheegtay in labada hay’adood lagu eedeeyay inay kooxda M23 iyo garabkeeda siyaasadeed ee Congo River Alliance siiyaan taageero milatari, adeegyo maaliyadeed iyo kaalmo dhinaca saadka ah.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in tallaabadan looga golleeyahay in Rwanda lagula xisaabtamo ballanqaadyadii ay ku gashay heshiisyada Washington ee Nabadda iyo Barwaaqada, kaas oo ay madaxweynayaasha Rwanda iyo Congo saxiixeen 4-tii Diseembar 2025.
Bessent ayaa ugu baaqay dowladda Kigali inay joojiso taageerada ay siiso M23, isla markaana ciidamadeeda kala baxdo bariga Congo, halkaas oo kooxdaasi ay qabsatay magaalooyin istaraatiiji ah iyo dhulal hodan ku ah macdanta.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, hay’adaha amniga Rwanda, oo ay ku jirto Ciidanka Difaaca Rwanda (RDF), ayaa kumannaan askari geeyay gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu. Waxa kale oo ay M23 siiyeen hub, qalab, tababar iyo taageero dhinaca saadka ah.
Washington ayaa ku eedaysay taageeradaas inay gacan ka geysatay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, shaqo khasab ah, ka faa’iidaysiga dadka rayidka ah iyo barakac baahsan oo ka dhacay deegaannada ay colaadaha saameeyeen.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ciidamada Rwanda ku eedaysay inay hawlgallo wadajir ah la fuliyaan M23, isla markaana ay geeyeen qalab milatari oo casri ah, oo ay ku jiraan nidaamyada gantaallada lidka diyaaradaha iyo qalabka carqaladeeya isgaarsiinta. Arrintan ayaa walaac ka dhalisay badqabka duulimaadyada rayidka ah.
M23 ayaa dib u soo xoogaysatay sannadkii 2021, waxayna horraantii 2025 la wareegtay Goma iyo Bukavu, oo kala ah caasimadaha gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu.
Kooxdu waxay sidoo kale la wareegtay deegaanno laga soo saaro macdanta, oo ay ku jiraan goobaha dahabka laga qodo ee Koonfurta Kivu iyo aagga Rubaya ee Waqooyiga Kivu, halkaas oo laga soo saaro macdanta koltanka.
Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa intaas ku dartay in dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay M23 maamusho lagu khasbo shaqo, ay kala kulmaan xaalado aan ammaan ahayn oo macdan-qodis ah, isla markaana laga qaado canshuuro sharci-darro ah.