Barasaabyada oo walaac ka muujiyay dib u dhaca lacag dhan 8.9 bilyan oo shilin ah oo loogu talagalay caafimaadka

0
99

Golaha Barasaabyada (CoG) ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid bixinta lacag dhan 8.9 bilyan oo shilin Kenya ah, taas oo loogu talagalay in shaqaalaha barnaamijka Caymiska Caafimaadka Caalamiga ah (UHC) loogu wareejiyo dowlad-goboleedyada, iyaga oo helaya shaqo joogto ah iyo xuquuqda hawlgabka.
Guddoomiyaha dallada Gavaranada ahna Guddoomiyaha Tharaka Nithi, Muthomi Njuki, ayaa sheegay in dib u dhacaasi uu gobollada ku qasbay inay hay’adaha maaliyadeed ka qaataan deymo ku-meel-gaar ah oo xadkoodu horay u sii cayiman yahay, si ay u daboolaan kharashaadka ka dhashay hagaajinta shuruudaha shaqo ee shaqaalaha caafimaadka.
Waxa uu sheegay in xaaladdani ay cadaadis dheeraad ah saarayso mashaariicda horumarinta iyo adeegyada loo fidiyo shacabka.
Njuki ayaa sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Qaranka ku eedeeyay inay si ula kac ah u curyaaminayso hawlaha dowlad-goboleedyada, isaga oo sabab uga dhigay dib u dhacyada joogtada ah ee ku yimaada lacagaha ay gobolladu xaqa u leeyihiin inay ka helaan dowladda dhexe.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in guusha dhabta ah ee dowlad lagu qiimeeyo aysan ahayn siyaasadaha ay dejiso ama hay’adaha ay dhisto, balse ay tahay tayada adeegyada ay shacabka siiso iyo saamaynta ay ku yeeshaan noloshooda.
Waxa uu xusay in dowlad-goboleedyadu ay tahay inay maalgeliyaan tababarro joogto ah oo shaqaalaha loo qabto, horumarinta xirfadaha, qorshaynta shaqaalaha iyo qiimaynta waxqabadka, si shaqaalaha dowladda ay u yeeshaan aqoonta iyo awoodda ay ugu adeegaan baahiyaha shacabka.
Guddoomiyaha golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isla-xisaabtanka, xirfad-yaqaannimada iyo daacadnimada adeegga dadweynaha. Waxa uu sheegay in go’aannada lagu saleeyo waxqabadka, kartida iyo hoggaaminta ku dhisan anshaxa.
Njuki ayaa sheegay in halkii ay xoogga saari lahaayeen tirada shaqaalaha, dowlad-goboleedyadu ay mudnaanta siiyaan kordhinta wax-soo-saarka, maareynta hufan ee kheyraadka iyo natiijooyin si cad loo cabbiri karo.
Waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in la dhiso maamul dadweynaha u adeega oo baahiyaha shacabka mudnaanta siiya, si himilada Kenya ee ah inay gaarto heerka dalalka dunida koowaad ay u noqoto mid dhab ah.