QM oo sheegtay in in ka badan 280,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada Yemen

0
41

Dagaallada ka socda dalka Yemen ayaa sababay in in ka badan 281,000 oo qof ay guryahooda ka barakacaan tan iyo bilowgii bishii Agoosto, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Tiradaas waxaa shaacisay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallada u dhexeeya ciidamada daacadda u ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta.
OCHA ayaa sheegtay in gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ay sii adkaanaysay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, kaddib markii uu burbur soo gaaray waddo muhiim ah oo isku xirta magaalada Taiz iyo gobollada koonfureed ee dalka.
Burburka waddadaasi ayaa hakad geliyay marinnadii caadiga ahaa ee gargaarka, taas oo keentay in sahayda loogu talagalay dadka u baahan lagu gaarsiiyo waddooyin cidhiidhi ah oo mara dhulka buuraleyda ah.
Xafiiska OCHA ayaa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inaysan bartilmaameedsan dadka rayidka ah iyo kolonyada gargaarka bani’aadannimo.
Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in dagaallada sii socda iyo caqabadaha hortaagan gaarsiinta gargaarku ay xaaladda bani’aadannimo ee Yemen uga sii dari karaan kumannaan qoys oo horeba ugu jiray duruufo adag.