Madaxii hore ee kooxda Mungiki ,Maina Njenga ayaa cambaareeyay tallaabo ay saraakiisha ammaanka xabsiga ugu taxaabeen qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Nyeri.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in shakhsiyaadka la xiray lagu tuhunsan yahay inay yihiin taageerayaasha Mungiki.
Hasa ahaate Mr. Njenga ayaa hoosta ka xarriiqay in la dhibaateeyay dhallinyaro isugu soo baxay fagaaraha Kabiru-Ini ee ismaamulka Nyeri oo sida la sheegay ay kulan ku qaban rabeen madaxda gobolka Bartamaha dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in kulankaasi aan la qorsheyn oo aan xubnaha bulshada lagu wargelin inay ka soo qayb galaan.
Maina Njenga ayaa ku doodaya in dhallinyarada la xiray iyagoo ku guda jiro howlahooda caadiga ah oo isku diyaarinayay u dabbaal degga sanadkan.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka,Rigathi Gachagua ku eedeyay inuu wado bartilmaameedsi siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay saameyn ku yeeshay da’yar aan waxba galabsan.




