Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay shirka golaha wasiirrada

0
196

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.
Xubnaha golaha ayuu ka codsaday inay daqiiqad aamusnaadaan iyadoo la xusuusanaya orodyahaankii dhawaan geeriyooday ee Kelvin Kiptum.
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu xusuustay tababarihii Kelvin ,Gervais Hakizimana oo ay shil ku wada geeriyoodeen habeenimadii ay Isniintu soo galeysay.
Dhanka kale mid ka mid ah ehellada orodyahanka ayaa warbaahinta u sheegay in maydka Kelvin Kiptum la aasi doono 24-ka bishan Labaad.
Waxaa lagu aasi doonaa tuulada Chepkorio ee deegaanka Koonfurta Keiyo ee ismaamulka Elgeyo-Marakwet .
Wasaaradda cayaaraha ee dalka oo kaashanaysa xubnaha qoyska Kiptum ayaa la filayaa inay maareyso howlaha aaska.
Wasiirka wasaaradda cayaaraha ee dalka , Ababu Namwamba ayaa sheegay in Kelvin Kiptum uu ahaa halyeey qaran sidaasi awgeedna loo sameyn doono aas uu mudan yahay.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka ay xusen noloshii Kiptum oo ku guulaystay orotanka London Marathon ee sanadkii 2023-kii.