Guddiga qaran ee arrimaha dhulalka oo ka dayriyay isbeddel lagu sameynaya xeerarkiisa

0
187

Guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee (NLC) ayaa sheegay in isbeddello dhowr ah oo la doonayo in lagu sameeyo xeerarka u degsan ay khilaaf ka dhex abuuri karaan dowladda sare iyo ismaamullada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiye ku xigeenka guddiga NLC Gertrude Nguku xilli ay hor tagtay guddiga baarlamaanka ee arrimaha dhulalka.
Waxay tusaale u soo qaadatay qodobka 107-aad ee wax ka beddelka xeerarka dhulalka oo dowladda dhexe u oggolaanaya inay go’aamiso goobaha laga fulinaya mashaariicda ,lahaanshaha dhulalka , qoondeynta lacagaha magdhowga ah, bixinta lacagahan, jaangoynta qiimaha lacageed ee ku baxaya mashruuca iyo waxyaabaha la midka ah.
Guddiga NLC ayaa sidoo kale ka soo horjeestay in dadka leh dhulalka u dhow magaalooyinka ay sanadkii bixiyaan canshuur dhuleed marka laga soo tago lacagaha laga qaado.
Reginald Okumu oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga qaran ee dhulalka ee NLC ayaa baarlamaanka u sheegay in tani ay tahay in milkiilaha dhulka labo mar canshuur laga qaadaya.
Hasa ahaate , xeer dejiyaasha ayaa sheegay in aynan ku qancin soo jeedinnada mas’uuliyiinta NLC.