Laba qof oo loo xiray afduubka iyo dilka ilmo 9 jir ah

0
75

Dambi baarayaasha Waaxda Baarista Dambiyada ee DCI-da ayaa xiray laba qof oo lala xiriirinayo afduubka iyo dilka ilmo 9 jir ah oo ka dhacay deegaanka Githunguri ee ismaamulka Kiambu.
Qoraal ay soo saareen Arbacadda maanta ah, ayaa lagu sheegay in labada eedeysane oo kala ah James Ngigi Ngendo oo 32 jir ah iyo James Mburi Chichu oo 75 sano jir ah ay ku jiraan gacanta booliiska ka dib markii maxkamadda loo soo taagay, isla markaana loo oggolaaday in la sii hayo muddo 10 maalmood ah si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.
Dambi baarayaasha ayaa sheegeen in kiiska uu billowday ka dib markii hooyada ilmaha ay booliiska ku wargelisay maqnaanshaha wiilkeeda.
Sida baarista ay muujisay, mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la xiriiray ayeeyada ilmaha, isagoo sheegay in uu afduubtay cunuga, isla markaana dalbaday lacag madax furasho ah oo dhan 150,000 shillinka dalka ah.
Saraakiisha baarista ayaa sheegeen in raadraac lagu sameeyay eedeysanayaasha, taasoo horseeday in midkood lagu qabto xaafadda Gitothua ee deegaanka Ruiru, halkaas oo markii dambe uu ku hoggaamiyay booliiska goob uu ku sugnaa eedeysanaha labaad. Baaritaan dambe ayaa lagu helay meydka ilmaha oo lagu qariyay boorso, waxaana loo wareejiyay qolka meydadka lagu keydiyo si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.