Kenya, Uganda iyo Tanzania oo kulanka “Pamoja” ku soo bandhigi doono qorshaha AFCON ee 2027

0
37

Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa toddobaadka soo socda isugu imaanaya shir heer sare ah oo lagu diyaarinayo qorshaha tartanka koobka qaramada Afrika ee 2027, kaas oo si wadajir ah ay u martigelin doonaan saddexda dal ee Bariga Afrika.
Wasiirka Ciyaaraha, Salim Mvurya, ayaa sheegay in shirka oo loo bixiyay “Pamoja” uu diiradda saari doono arrimo muhiim ah sida fududeynta fiisaha, canshuur dhaaf iyo diyaarinta guud ee martigelinta tartanka.
Waxaa uu sheegay in hay’adda kubadda cagta Afrika ay door muhiim ah ku yeelan doonto isku dubaridka dhacdadan, isla markaana lagu dhawaaqi doono khariidadda rasmiga ah ee hagaysa diyaarinta AFCON 2027-ka.
Tartanka koobka qaramada Afrika ee 2027 ayaa lagu tilmaamay fursad weyn oo ay saddexda dal ku xoojinayaan iskaashiga gobolka, iyadoo Kenya, Uganda iyo Tanzania ay wada diyaarinayaan qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo guusha martigelinta.