Iiraan ma damacsana inay wada hadal la gasho Maraykanka, mana jirto wax xiriir ah oo ay la leedahay Xukuumadda Washington nooc kasta ha ahaadee. Sidaas waxaa sheegay Maxamed Mokhber, oo ka mid ah la taliyeyaasha sare ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Ayatollah Cali Khamenei, isaga oo la hadlayay telefishinka qaranka Iiraan.
Mokhber oo hore u soo noqday madaxweyne ku meel gaar ah iyo ku xigeenka koowaad ee madaxweynaha Iiraan, ayaa caddeeyay in dalkiisa uusan wax kalsooni ah ku qabin Maraykanka, isla markaana aysan jirin wax saldhig ah oo ay ku bilaabi karaan wada hadal. Waxaa uu intaas ku daray in Xukuumadda Tehran ay dagaalka sii wadi karto muddada ay doonto.
Dhanka kale weerarro ay maanta fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof ee gobolka dhexe ee Isfahan ee dalka Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.
Ciidamada ayaa la sheegay inay beegsadeen goobo kala duwan, iyadoo dhaawacyo iyo burbur hantiyeed ay ka dhaceen meelo badan oo gobolka ka mid ah.




