Kharashka gaadiidka oo kor u kacaya boqolkiiba 14 ka dib markii qiimaha shidaalka uu si weyn u kordhay

0
36

Ururka Gaadiidleyda dalka ee KTA ayaa ka digay in kharashka gaadiidka dalka oo dhan uu kor u kici karo ilaa 14 boqolkiiba ka dib markii qiimaha shidaalka uu si weyn u kordhay.
Ururka ayaa sheegay in qiimaha naaftada uu kordhay 40.30 shillin halkii litir, taasoo gaarsiisay 206.84 shillin, halka qiimaha baasiinkuna uu gaaray 206.97 shillin halkii litir.
Gaadiidleyda ayaa lagu boorriyay inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan qaab dhismeedka kharashaadkooda, isla markaana ay la jaanqaadaan kororka shidaalka, si ay uga fogaadaan khasaaro dhaqaale.
Ururku ayaa sheegay in shidaalka uu yahay qaybta ugu weyn ee kharashka gaadiidka, sidaas darteed kororkan uu si toos ah u saameynayo ganacsiga xamuulka iyo adeegyada gaadiidka, taasoo keeni karta in qiimaha badeecadaha iyo adeegyada uu sare u kaco.
Waxaa ay sidoo kale ku baaqeen in gaadiidleyda ay si hufan ula xiriiraan macaamiishooda si loo ilaaliyo kalsoonida, iyagoo adkeynaya in isbeddelka qiimaha uu ka dhashay xaaladda shidaalka ee dalka.