Israa’iil oo 2 qof ku dishay Syria

0
248

Warbaahinta dowladda dalka Syria ayaa ku warramaysa in duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay aagga Kafr Sousa ee caasimadda wadankaasi ee Dimishiq lagu dilay ugu yaraan labo ruux.
Wakaaladda wararka ee SANA ayaa qortay in goobta duqeynta lagu bartilmaameedsaday ay ku yaallaan saldhigyo dhexe oo dhowr ah oo isugu jiro kuwo amni iyo militari.
Hasa ahaate Israa’iil ayaan weli war ka soo saarin weerarkan.