Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday go’aan horay uga soo baxay maxkamadda racfaanka .
Go’aanka ayaa ahaa in xeerka sanduuqa qaran ee howlgabnimada ee (NSSF) uu yahay mid sharci darro ah.
Hasa ahaate maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa maanta go’aamisay in maxkamadda racfaanka ay ku qaldantay go’aankeedi hore.
Waxaa sidatan sheegay xaakiinnada Supreme Court oo ay hoggaaminaysa madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome .




