Azerbaijan oo codsatay in ICJ ay laasho dacwad ay gudbisay Armenia

0
158

Dowladda Azerbaijan ayaa maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ugu baaqday in ay dhinac iskaga dhigto dacwad ay gudbisay dowladda wadanka Armenia.
Dacwaddan ayaa ku saabsan in Azerbaijan ay gaysatay isir sifeyn.
Qareennada matalaya Azerbaijan ayaa maanta ku dooday in kiiskaasi uunan gaarsiisnayn shuruudaha takoorka ka dhanka ah ee qaramada midoobay.
Sidoo kale waxay sheegeen in ICJ aynan go’aan ka gaarin karin waxyaabaha ku xusan dacwadda.