Iiraan oo xaqiijisay dilka hoggaamiyihii ugu sareeyay dalkaas ee Ayatollah Cali Khamenei

0
221

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in Alle haunaxaristee hoggaamiyihii ugu sareeyay dalkaas, Ayatollah Cali Khamenei, lagu dilay weerarro ka dhacay gudaha Iiraan, kuwaas oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil. Wararka ayaa sidoo kale sheegayaan in weerarrada lagu dilay gabadhiisa, seygeeda iyo wiil uu awoowe u ahaa, iyagoo sababay khasaare weyn oo bani’aadamnimo ah.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay howlgallo milatari oo waaweyn oo ka socda Iiraan, isagoo sheegay in duqeymaha ay socon doonaan toddobaadka oo dhan ama inta loo baahdo si loo gaaro ujeeddooyinka la dejiyay. Duqeymaha ayaa ka dhacay meelo badan oo Iiraan ka mid ah, waxaana warbaahinta Iiraan sheegtay in iskuul ku yaalla koonfurta dalka ay ku dhinteen ugu yaraan 108 qof, halka guud ahaan 24 deegaan ay ku dhinteen ugu yaraan 201 qof.
Iiraan ayaa aargoosi ahaan weerarro ku qaaday Israa’iil iyo saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ka tirsan, sida Qadar, Imaaraadka Carabta, Kuweyt, Baxreyn, Urdun, Sacuudiga iyo Ciraaq. Dalal badan oo gobolka ku yaalla ayaa xiray hawadooda iyadoo xaaladda ay ka sii dartay, waxaana sii kordhayay is weydaarsiga weerarrada iyo xiisadda militari ee gobolka.
Dhanka kale madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa dilka Khamenei ku tilmaamay fal dambiyeed weyn, isla markaana ballanqaaday in dowladdiisa ay ka jawaabi doonto. Waxaa uu sheegay in dhiigga hoggaamiyahan uu noqon doono mid hurinaya iska caabbin ka dhan ah dulmiga iyo gardarrada Maraykanka iyo Israa’iil, isaga oo xusay in mas’uuliyiinta falka geystay ay ka qoomamayn doonaan. Pezeshkian ayaa cadeeyay in Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin awood leh, iyada oo taageero ka helaysa ummadda Islaamka iyo dadka xorta ah ee caalamka.
Sidoo kale, madaxweynaha Iiraan ayaa ku dhawaaqay toddoba maalmood oo fasax guud ah iyo 40 maalmood oo baroor diiq ah oo loogu talagalay geerida Khamenei. Dhacdadan ayaa dhalisay xaalad degdeg ah oo ka jirta Bariga Dhexe, iyadoo khubarada caalamiga ah ay ka digayaan halista sii kordheysa ee colaadaha iyo saameynta bani’aadamnimo ee ka dhalan karta weerarradan.