Gachagua oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo shilkii diyaarad ee ka dhacay Mosop

0
199

Hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua, ayaa muujiyay murugo weyn ka dib geerida Xildhibaan Johana Ng’eno isagoo ku tilmaamay saaxiib iyo xubin siyaasadeed oo dhow, isla markaana geeridiisu tahay khasaare weyn oo ku dhacay bulshada Kipsigis.
Ng’eno ayaa ka mid ahaa lix qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay kaynta Chepkiep ee deegaan doorashada Mosop ee ismaamulka Nandi Sabtidii.
Gachagua ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida, isagoo xusay in Ng’eno uu ahaa hoggaamiye daacad ah oo leh mustaqbal ifaya. Waxaa uu xildhibaanka ku tilmaamay hoggaamiye soo koraya oo bulshada Kipsigis u ahaa cod muhiim ah, geeridiisana ay ka dhigtay gobolka mid codkiisa ka maqan yahay arrimaha qaranka.
Hoggaamiyaha DCP ayaa sidoo kale dalbaday in si degdeg ah oo hufan loo sameeyo baaritaan dhamaystiran oo lagu ogaado sababta shilka, isla markaana natiijooyinka dadweynaha lala wadaago. Waxaa uu sidoo kale ka digay in qaar ka mid ah dadka la shaqeeya dowladda ay faragelinayaan fariimaha tacsiyeed ee hoggaamiyayaasha, taasoo dhalisay walaac ku saabsan daah-furnaanta macluumaadka shilka.
Gachagua ayaa sheegay inuu la shaaqeeyay dadka deegaanka Nyahururu ee u baroordiiqaya xildhibaanka, isla markaana tacsi buuxda u diray qoyska, taageerayaasha iyo shacabka uu matalayay. Illaa hadda, mas’uuliyiinta ma aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya sababta shilka.