Garsoore Isaac Lenaola oo loo doortay madaxa Maxkamadda Gaarka ah ee Sierra Leone

0
219

Garsoore ka tirsan Maxkamadda ugu Sareysa dalka ee Supreme Court, Isaac Lenaola, ayaa loo doortay madaxa Maxkamadda Gaarka ah ee Sierra Leone, ka dib kulan labo maalmood socday oo ka dhacay magaalada Hague ee dalka Netherlands. Bayaan la soo saaray 27-kii bishii hore ee Febraayo ayaa lagu sheegay in garsoorayaasha ay doorteen hoggaan cusub, iyadoo Lenaola oo ahaa ku xigeenkii hore ee madaxa maxkamaddaas loo doortay xilka ugu sarreeya.
Garsoore Andrew Hatton ayaa loo doortay inuu noqdo ku xigeenkiisa, halka Garsoore Tonia Barnett loo doortay garsooraha qaabilsan rafcaannada shaqaalaha. Mas’uuliyiintan cusub ayaa xilka hayn doona muddo laba sano ah oo dib loo cusboonaysiin karo.
Intii uu socday kulanka guud, garsoorayaasha ayaa warbixin siiyay diiwaan hayaha maxkamadda, xeer ilaaliyaha iyo difaacaha guud. Waxaa ay ka doodeen wax ka beddel lagu soo jeediyay xeerarka maxkamadda, warbixin qiimeyn ah iyo arrimaha maalgelinta, sidoo kalena waxaa ay dib u eegeen warbixinta sannadlaha ah ee 2025.
Maxkamaddan ayaa u xilsaaran dhammaystirka waajibaadka ka haray Maxkamaddii Gaarka ahayd ee Sierra Leone, sida kormeerka xukunnada, ilaalinta markhaatiyaasha, kaydinta dukumeentiyada iyo taageeridda hay’adaha dacwad oogista ee dalkaas. Lenaola ayaa garsoore ka ahaa tan iyo 2013, waxaa uuna hore uga soo shaqeeyay garsoorka Kenya iyo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika.