Koox ka kooban hay’ado badan oo ay hoggaaminayaan Ciidamada Badda ayaa qabtay markab ku sugan Badweynta Hindiya oo siday daroogada loo yaqaano methamphetamine oo qiimiheedu dhan yahay 8.2 bilyan oo shillinka dalka ah waxaa ayna xireen lix muwaadin oo u dhalatay Iiraan oo saarnaa doonida.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxammed Amin iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Badda Sareeye Gaas Sankale Kiswaa ayaa xaqiijiyay in doonta lagu raad joogay qiyaastii 630 kiiloomitir bariga Mombasa ka hor inta aan la keenin dekedda, halkaas oo alaabta saarneed lagu ogaaday inay ku jirto daroogo.
Howlgalka oo ah midkii ugu weynaa ee ka dhaca Bariga Afrika ayaa waxaa iska kaashaday fulintiisa saraakiil ka kala socotay Ciidamada Badda Kenya, Ilaalada Xeebaha Kenya, iyo Hay’adda Qaran ee Ololaha Ka hortagga Xadgudubka Khamriga iyo Daroogada ee NACADA.
Amin ayaa waxaa uu sheegay in marxaladda xigta ee baaritaannada ay diiradda saari doonaan asalka daroogada iyo meesha loo waday.
Lixda tuhmane ayaa la filayaa inay maxkamad soo taagaan Isniinta iyadoo booliiska ay xoojinayaan howlgallada lagu raadinayo shakhsiyaad badan oo ku xiran shabakadda ka ganacsiga daroogada.
Home Wararka Kenya Hay’adaha amniga oo gacanta ku dhigay doon siday daroogo qiimaheedu dhan yahay...




