Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro hanjabaadda iyo cabsi gelinta ka dhanka ah dibadbaxyada nabdoon.
Waxaa uu guddigu ugu baaqay dowladda in ay wada hadal wax ku ool ah la yeelato dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro wax ka badan hal bil ee dibadbaxyada ka dhiga ismaamullada dalka.
KNCHR ayaa baaqan soo saartay xilli ay ka jawaabaysay amarkii uu taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome Axaddii siiyay saraakiisha booliiska.
Waxaa uu askarta ku boorriyay in ay si wayn uga falceliyaan dibadbaxyada ay dhakhaatiirta sameynayaan.
Hasa ahaate guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ayaa sheegay in saraakiisha caafimaadka ay xaq u leeyihiin in ay soo bandhigaan tabashooyinkooda iyagoo aan la caburin.




