Madaxii hore ee matxafka qaran iyo 5 eedeysanayaal oo kale oo maxkamad la soo taagay

0
221

Waxaa maanta maxkamad la soo taagay agaasimihii guud ee hore ee matxafka qaran ee National Museums of Kenya ,Mzalendo Kibunja iyo 5 tuhmanayaal oo kale.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in ay musuqmaasuqeen 490 milyan oo shilin oo mushaar ahaan loo siiyay shaqaale been abuur ah in kastoo markii dambe ay lacagahan la wareegeen saraakiisha sare ee matxafka qaran.
Dhammaan eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay waxayna maxkamaddu ku amartay in mid kasta uu bixiyo damaanad lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin ama damaanad qiimo ahaan u dhiganta 10 milyan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kiiskan mar kale la soo hadal qaado 2-da bisha 6-aad ee sanadkan.
Lacagtan ayaa la rumeysan yahay in ay lunsadeen intii u dhexeysay sanadkii 2015-kii ilaa 2022-kii.
Marka laga soo tago Kibunja , eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Stanvas Ongalo Opijah , Oliver Okinyi, Wycliffe Ongata iyo Oscar Mwaura.