Madaxa wasiirrada dalka oo ku baaqay in la xalliyo dagaallada Suudaan

0
254

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in baahi wayn oo degdeg ah loo qabo xallinta colaadda ka taagan wadanka Suudaan.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in dagaallada wadankaasi ay muddo soo jiitamayeen.
Waxaa uu tilmaamay in shacabka Suudaan ay colaadda ku lumiyeen fursado qaali ah taasina aan marnaba la aqbali karin.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa sheegay in colaadda u dhexeysa ciidamada militariga iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ay ku barakaceen ilaa 8 milyan oo qof halka 11 milyan ay u baahan yihiin gurmad caafimaad iyadoo 18 milyan oo ruux ay wajahayaan cunno yari.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaasi oo uu ka qabsoomay shirka heerka wasiirrada ee lagu dardargelinaya dadaallada nabadgalyo ee Suudaan.