Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa wasiirrada dhawaan la magacaabay ee la dhaariyay kula taliyay in ay daacad u noqdaan maamulka ay ka tirsan yihiin ee madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in daacadnimada laga doonaya in ay hoggaamiyaha qaranka u muujiyaan ay tahay mid aan laga gorgortami karin.
Wasiirrada ayuu la barbardhigay saraakiil uu hoggaaminaya hal taliye oo ay ka amar qaadanayaan.
Sidoo kale waxaa uu wasiirrada uga digay ku lug lahaanshaha iyo fududeynta falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu kula taliyay in ay ku shaqeeyaan siyaasad furan oo ku saleysan u adeegidda shacabka.
Arrintan ayuu ka sheegay madal wasiirrada lagu fahansiinayay shaqooyinka hor yaalla iyo sida laga doonaya in ay waajibaadkooda uga soo baxaan.




