Faransiiska oo qorsheynaya bandow kadib rabshado ka dhashay dibadbaxyo

0
41

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa sheegay in bandowyo lagu soo rogi doono deegaannada ay lagama maarmaan noqoto, si loo soo celiyo kala dambeynta kadib rabshado ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay dhammaadka toddobaadkii.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday sare u kaca qiimaha nolosha iyo cabashooyin la xiriira nidaamka waxbarashada dalka, kuwaas oo markii dambe isu beddelay rabshado.
Qoraal uu Talaadadii ku baahiyay barta X, ayuu Lecornu ku sheegay in maamulka deegaannadu ay la shaqeyn doonaan duqeyaasha magaalooyinka si ay u go’aamiyaan meelaha ay lagama maarmaanka tahay in bandow lagu soo rogo.
Dowladda Faransiiska ayaa tallaabooyinkan ku dooneysa inay dib ugu soo celiso nabadda iyo kala dambeynta deegaannada ay saameeyeen rabshaduhu.