DHEGEYSO:Buuq hareeyay munaasabadda Mashujaa Day ee Meru kadib markii la weeraray kolonyadii Kawira Mwangaza

0
57

Rabshado ayaa hareeyay munaasabadda Maalinta haliyeeyada Kenya ee Mashujaa Day, oo lagu qabtay ismaamulka Meru, kadib markii la weeraray kolonyadii gaadiidka ee guddoomiyihii hore ee ismaamulkaas, Kawira Mwangaza.
Mwangaza ayaa cambaareysay dhacdada, iyada oo ku eedeysay siyaasiyiinta ay is hayaan inay dhallinyaro u soo direen sidii ay u weerari lahaayeen.
Eedeymahaas ayaa la xiriira dhacdadii ka dhacday intii ay socdeen xuska maalinta geesiyaasha Kenya.
Dhanka kale, ismaamullada kala duwan ee dalka ayaa iyaguna siyaabo kala duwan u xusay Maalinta Geesiyaasha Kenya, iyadoo munaasabado iyo hawlo kala duwan lagu qabtay ismamaulada dalka.