Qatar: Wadahadallada Iran iyo Mareykanka ayaa socda, iyadoo laga digay dagaal gobolka ku fida

0
78

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay weli socdaan, iyadoo labada dhinac ay dadaallo diblomaasiyadeed wadaan, inkasta oo xiisaddu sii kordhayso, isla markaana ay jiraan cabsi laga qabo in dagaalku dib u qarxo.
“Marka laga hadlayo wadaxaajoodyada, way socdaan, waxaana aragnaa in labada dhinacba ay ka qeyb qaadanayaan dadaallada,” ayuu yiri Majed al-Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, oo ka hadlayay Madasha Amniga Caalamiga ah ee ka socotay magaalada Doha.
“Xaqiiqda ah inaanan war badan ka maqlayn wadaxaajoodyada waa calaamad wanaagsan oo muujinaysa inaan shaqadeenna si habboon u gudaneyno,” ayuu yiri.
Al-Ansari ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wadaxaajoodyada loo ilaaliyo sir, si dadaallada diblomaasiyadeed ay fursad ugu helaan inay miro dhalaan.