Burburka miin dahab oo sharci-darro ah oo ku taalla koonfur-galbeed ee Colombia ayaa sababay dhimashada 14 qof, halka toddobo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay Isniintii sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Shilku wuxuu ka dhacay deegaanka miyiga ah ee Chambero, oo ka tirsan degmada Santa Barbara de Iscuande, gobolka Narino.
Guddoomiyaha gobolka Narino, Luis Alfonso Escobar, ayaa sheegay in howlgalladii baadigoobka iyo samatabbixinta la soo gabagabeeyay.
Jorge Tovar Castillo, oo ah mas’uul u qaabilsan gurmadka musiibooyinka gobolka Narino, ayaa sheegay in sidoo kale la soo sheegay in 12 ilaa 15 qof oo kale oo macdan qodayaal ah la la’yahay kaddib shilka.
Wuxuu sheegay in maamulka degmada uu hoggaaminayo howlaha gurmadka, balse ay jireen caqabado dhanka isgaarsiinta ah.
Degmada Santa Barbara de Iscuande waxaa ku hareeraysan keymo roobaad oo cufan, waxaana lagu gaari karaa oo keliya doonyo ama diyaarado yaryar.
Farriin uu ku baahiyay barta X, Escobar ayaa ku tilmaamay miinta dahabka mid aan si rasmi ah u diiwaangashanayn.
Macdan-qodista aan rasmiga ahayn iyo tan aan sharciyeysnayn ayaa ku badan deegaannada miyiga ee Colombia. Hawlgallada noocan ah ayaa inta badan ka maqan kaabeyaasha badbaadada ee ku filan, taasoo keenta shilal dhimasho sababa oo soo noqnoqda.
Bishii Agoosto, 13 qof ayaa ku dhintay shil macdan-qodis oo la mid ah kaas oo ka dhacay degmada Policarpa, oo iyaduna ku taalla gobolka Narino.




